Ururrada diinta ayaa door muhiim ah ku leh siyaasadda Soomaaliya. Tan iyo burburkii qarankii Soomaaliya 1991-kii, waxay sidoo kale muujiyeen adkeysi xooggan iyadoo jilayaal badan oo oo kale ay soo ifbaxeen si degdeg ahna saaxadda uga baxeen. Tani waxay ka dhigtay hay’ado muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed. Iyadoo ay taasi jirto, haddana doorka ururrada diinta ee Soomaaliya ayaa inta badan si liidata loo fahmaa. Doorka ururrada diinta ee siyaasadda Soomaaliya – oo ah warbixin cusub oo ay wada qoreen Machadka Rift Valley iyo Somali Public Agenda – waxaa lagu falanqeeyay ururrada kala duwan ee diinta ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya iyo guud ahaan mowqifkooda iyo doorka ay ku leeyihiin bulshada Soomaaliyeed. Waxay warbixinta soo bandhigeysaa aragtiyo cusub oo ku saabsan sida dowladda Soomaaliya ay ula falgeli karto kooxaha diinta, waxayna soo jeedinaysaa talooyin ku saabsan sida jilayaasha dibadda ay uga fogaan karaan aragtiyada taban oo ku saabsan ururrada diinta kuwaasoo inta badan saameyn togan ku leh guud ahaan qeybaha kala duwan ee siyaasadda, dhaqaalaha iyo nolosha bulshada Soomaalida.

SHECONF 2026: International Conference on Social Sciences and Humanities
Event report On 26 March 2026, researchers, practitioners and academics gathered in Addis Ababa for SHECONF 2026, an International Conference on Social Sciences and Humanities

