- Dowlad deegaanka Soomaalida ee itoobiya waa mid qani ku ah khayraadka dabiiciga ah, ee ay kamid yihiin saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee ku kaydsan dooxada Ogaden kaas oo ku fadhiya bad qiyaastii dhan 350,000 KM sq oo ka kooban badiba DDS. Haddii si sax ah oo caddaalad ah loo maamulo khayraadkan waxa uu awoodaa inuu wax ka taro hormarka degaanka iyo si guud dalkaba. Tijaabooyin ay samaysey dowladda Fedaraalku si loo soo saaro khayraadka darafaysan ee DDS ayaa jira, hase yeeshee, waxa ay la xidhiidhaa taariikho dhibaatooyin iyo duudsi gaamurey oo muddo soo taxnaa.
- DDS illaa dhammaadkii 2018 waxa ay ku jirtey jawi xasillooni amni ah kadib markii meesha laga saarey Madaxii hore ee deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar (‘Cabdi Iley’). Inkasta oo xubno matala DDS lagu darey Xisbiga Barwaaqo(XB), Dowladda xilka haysana ay samaysey ballanqaadyo lagu ballaadhinayo kaqaybgalka siyaasadda iyo dib u qaybsiga dhaqaalaha balse illaa hadda wax isbaddal ah lagalama kulmin marka ay timaado dhanka saliidda iyo gaaska.
- Ma jiro hannaan hufan oo ay sheegeen dowladda Federaalka wasaaraddeeda macdanta iyo shidaalku ama hoggaaminta deegaanka Soomaalidu, ee ku aadan qorshaha dowladda si loo sii anbaqaado baadhista saliida iyo gaaska ama soosaaridda mustaqbalka kaydka shidaalka Ogaden kadib markii 2022 la caydhiyey shirkadii Shiinayska ahayd ee Poly- GCL, islamarkaana, baadhistii saliidda iyo gaaska ee muddada dheer socotey ayna illaa hadda dhalinnin wax soosaaris ah ama ayna keenin wax dhoofin ah si ay DDS dakhli uga hesho iyo Itoobiyaba si guud.
- Inkasta oo ay jiraan xoogaa dadaallo ah oo ay wadaan maamulka XB oo ku aadan sidii bulshada degaanka looga qaybgalin lahaa maamulka khayraadka dabiiciga ah, si guud, waxaa jira astaamo muujinaya in ay ku socdaan uun dhaqammadii kuwii ka horeeyey ee Jabhadda dimiqraadiqa kacaanka shacabka Itoobiya (EPDRF), iyaga oo qayb ahaan xulanayaa xubno kammid ah bulshada si ay uga daynsadaan sharciyaynta go’aan gaadhistooda kor illaa hoos ah ee ku saabsan maaraynta saliida iyo gaaska.
- Xubanaha mucaaradka ah ee DDS iyo qurbajoogta ayaa si aad ah uga hadlaya shirkadaha shisheeye ee aan la la xisaabtami karin ee ku loollamaya baadhista saliidda iyo gaaska ee ay dowladduna dabada ka riixayso iyo sidoo kale kor u kaca ogaanshaha xanuunnada bulshada iyo kuwa bay’ada. Iyada oo ay tani cadayn u tahay hormarka muhiimka ah ee dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ah ee DDS, haddana waxa ay muujinaysa murgashada soo jireenka ah ee dabeecadda baadhista saliidda iyo gaaska. Haddii aan si ku filan loo darsin iyada oo loo marayo wadahadal loo dhanyahay oo ay sameeyaan maamulka deegaanku, waxaa suuragal ah in ay waxyeellayso heshiishkii geeddi-socodka Nabadda ee lala galay Jabhada waddaniga xoraynta Ogaadeeniya(JWXO) kuwaas oo markii hore dalbanayey madax-bannaani deegaan oo ballaadhan iyo isla xisaabtan ku saabsan baadhista shidaalka iyo soosaaristiisaba.
- Ilaa iyo hadda, ma jirto qiimayn madaxbanaan oo ku saabsan saamaynta ay soo saariddaasi ku yeelatay deegaanka oo laga sameeyey kaydka shidaalka Ogaadeen, inkasta oo ay jiraan walaacyo caafimaadka aadamaha iyo deegaanka ba. Poly-GCG iyo shirkadaha kalaba waxa ay u shaqaynayeen si xaglin ah, taas oo ay faa’iidada ugu yar ay soo gaadhayso dadwaynaha deegaanka. Heshiisyada baadhista sida kan lala saxeexdey Poly-GCL ee u dhaxeeyey Poly-GCL iyo dowladda faderaalka ayaa sii xoojiyey kala- sarayntii jirtey ee ahayd in aan ahmiyadda dhaqaale la saarin bulshada deegaanka iyaga oo xaqiijinaya in shaqaalaysiinta iyo doorbididda qandaraasyaduba ay si xooggan ugu hadhaan waxa loogu yeedho ‘buuralayda’ – ee kasoo jeeda ubucda siyaasada iyo dhaqaalaha Itoobiya.
- Hoggaaminta DDS oo inta badan la aaminsanyahay in ay yihiin hawlwadeenno u xil saaran fulinta awaamirta dowladda dhexe waxa ay u baahantahay in ay caddeeyaan in muuqashada siyaasadeed ee ay ka heleen xilalka sarsare ee XB in ay ka turjumi doonto in ay faa’iido la taabankaro u keento shacabwaynaha deegaanka. Samaynta istaraatijiyada Haydarokaarboon waa in ay yeelataa latashi ballaadhan iyo hab wada hadal oo bulshadu udub-dhexaad u tahay. Iyada oo maanka lagu hayo in qaacidadii dakhli qaybsiga ee lagu heshiiyey 2019 lagu dhaleeceeyey in ay tahay mid mugdi hadheeyey, waxaa jirta fursad ay haystaan wakiillada deegaanka taas oo ah in ay saliidda iyo gaaska u adeegsan karaan raasamaaal siyaasadeed si ay kor ugu qaadaan mawqifkooda qaranka iyo sidoo kale in ay wax ka tarto dhinaca cadaaladda dhaqaale ee ay dalbanayeen gobolada la duudsiyo ee ku yaala Dooxada Ogaadeen.