Search
Close this search box.

Rift Valley Institute

Making local knowledge work

Carrada ayaan dhunkannay waa sheeko ku saabsan dhibaatada tahriibka

Maxamed Xuseen Geeldoon, waa nin da’ yar oo soo maray tahriib halis ah oo uu dhulka saxaraha kaga gudbay oo gaadhay Libya.

Doon ayaa la qalibmi gaartay, wuu silcay oo wuu rafaaday, ka dibna wuxuu go’aansaday inuu dalkiisii dib ugu noqdo oo wuxuu ku laabtay magaalada Hargeysa oo uu haatan ku suganyahay.

Waxa isaga iyo Alle ha u naxariistee Siciid Maxamed Daahir oo ka tirsanaa machadka cilmi baadhista ee Rift Valley Institute, ay iska kaashadeen inay wax ka qoraan duruuftii uu ka mutay tahriibka.

Waxay soo saareen buug uu maal galiyay machadka Rift Valey kaas oo ku soo baxay af-Soomaali iyo af-Ingiriisi.

Weriyaha BBC Axmed-Nagaashe ayaa khadka telefoonka Hargeysa kula xidhiidhay Geeldoon oo ugu horrayn waydiiyay buugga magaciisa iyo waxa ku dhaliyay inuu buuggan qoro.

  • Recent Publications