Maqaamka Muqdisho oo aan weli la xalin ayaa kamid ah arrimaha ugu muhiimsan heshiiska siyaasadda Soomaaliya. Lagasoo bilaabo sanadkii 2012, Soomaaliya waxay horumar ka samaysay in la caddeeyo nooca federaalka iyadoo la dhisay Dowlad-goboleedyo sidoo kalena la sameeyay dadaallo – inkastoo guulo kooban laga gaaray – si loo caddeeyo xiriirka ka dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladda. Caddeynta maqaamka Muqdisho, sikastaba ha hoqotee, oo ahayd caasimadda Soomaaliya ilaa 1960-kii, waxa uu noqday mid la isku khilaafay.
Taariikhdan hardanka ah ee ku xeeran maqaamka Muqdisho ee nidaamka siyaasadeed ayaa ka dhigay dadaallada loo galay sidii loo cadeyn lahaa kala qeybinta masuuliyadaha kala duwan ee heerarka dowladda mid aad u adag. Rabshadaha iyo barakaca soo laalaabanayay tan iyo bilowgii dagaalka sokeeye ayaa sidoo kale lala xiriiriyaa tartanka kooxaha sheeganaya inay u dhasheen wakiillana u yihiin magaalada. Tani keliya ma horjoogsanayso rajada maamul loo dhan yahay ee Muqdisho laga dhiso, balse waxay ka hor imaaneysaa fahamka ah in caasimadda astaan midnimo u tahay qaranka.
Iyadoo la sameynayo dadaal lagu doonayo in lagusoo cusbooneysiiyo wada-hadallada la xiriira arrintan, Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda ayaa soo saaray faalladan qotada-dheer oo qeexeysa fursadaha lagu xallin karo maqaamka Muqdisho. Faallada waxaa la diyaariyey iyadoo lala tashanayo khubaro farsamo oo kala duwan iyo siyaasiyiin kaasoo qeyb galay madasha ‘F20’ ee uu qabtay Platform-ka, oo si wadajir ah loogu sahminayay xalalka arrimaha la isku khilaafsan yahay ee heshiiska siyaasadda Soomaaliya. Faallada waxa uu ujeedkeedu yahay in ay soo bandhigto falanqeyn ay isticmaali karaan siyaasiyiinta Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka.