Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u qaadatay hannaanka federaalka sannadkii 2004-tii markii la sameeyay Axdiga Federaalka Kumeelgaarka. Tan iyo markaas, dhidibada ayaa loo aasay iyadoo la qeexay markii la meel mariyay Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah ee 2012 iyo dhismihii xigay ee Dowlad-goboleedyada ee dalka. Habkani waxa uu saldhig u noqday iskaashiga iyo wada-noolaanshaha, inkastoo uu xaddidnaa, ka dhexeeya madaxda iyo hay’adaha Soomaalida.
Sikastaba ha ahaatee, qeybo muhiim ah oo kamid ah qaabka federaalka Soomaaliya ayaa ah mid aan la qeexin, oo ay ku jiraan heshiis ku saabsan qaabka federaaleynta maaliyadeed – si kale haddii loo dhigo, heerkee dowladeed ayaa awood u leh in uu dakhli uruuriyo sidoo kalena kharash-gareeyo. Tani waa tiir muhiim u ah qaab-dhismeedka federaalka, maadaama uu ugu dambeyntii qeexayo heerka madax-bannaanida dowlad-goboleedyada marka loo eego Dowladda Federaalka Soomaaliya. Tani waxay ka dhigeysaa arrin aad u khilaaf badan, iyadoo dowlad-goboleedyadu doonayaan inay xoojiyaan madax-bannaanidooda halka dowladda federaalka ay rabto inay xaqiijiso gacan ku heyn xooggan. Nidaamka maaliyaddu ma ahan oo keliya maareynta xiriirka ka dhexeeya hay’adaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, waxa uuna saameyn ballaaran ku leeyahay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya. Siyaasadda maaliyadeed waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa kobaca dhaqaalaha, ganacsiga gudaha iyo tartanka, iyo tayada adeeg bixinta. Intaa waxaa dheer, waa muhiim in la maareeyo sinnaan la’aanta gobollada Soomaaliya.
Xaaladdani ayaa caqabad weyn ku ah jihada siyaasadda Soomaaliya. Tartan u dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladda oo ku saabsan ilaha dakhli waxay keeni karaan khilaaf iyo xasillooni-darro siyaasadeed. Marka la eego nidaamka sinnaan la’aanta ee hadda jira, tani waxay dhalin kartaa cabashooyin dheeraad ah oo u dhexeeya kooxo kala duwan, oo wiiqaya ujeedooyinka horumarineed ee muhiimka ah. Dowladaha hoose, oo loo arko inay yihiin tiir muhiim u ah nidaamka nabad-dhisidda iyo dimuqraadiyadda, ma awoodi doonaan inay ciyaaraan kaalintaan haddii aysan jirin waddo u oggolaanaysa heerkaan maamul in uu noqdo mid dhaqaale ahaan waari kara.
Caddeynta nidaamka heshiiska federaaleynta maaliyadda sidaas darteed maahan oo keliya muhiim ee waxa uu u baahan doontaa wada-hadal siyaasadeed oo ballaaran. Faalladan waxay doonaysaa inay taageerto dadaallada siyaasadeed ee xallin kara is-afgarad la’aantan iyadoo la qeexayo lana falanqeynayo xulashooyinka nidaamyo maaliyadeed oo qeyb ka ah nidaamka federaalka Soomaaliya. Waxaa loogu talagalay in xog lagusoo bandhigo iyo in la dhiirigeliyo wada-hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo dad weynaha, waxaana wehliya faallooyin kale oo soo bandhigaya xulashooyin ku saabsan arrimaha kale ee lagu muransan yahay ee heshiiska siyaasadda dalka, oo ay ku jiraan qeybinta awoodaha, maqaamka Muqdisho iyo naqshadda amniga. Faalladan waxaa la qoray iyadoo lala tashanayo khubaro farsamo iyo siyaasiyiin qeyb ka ahaa hindisaha ‘F20’ ee Somali Dialogue Platform, kulamadaasoo si iskaashi ku dhisan u sahmiyay xal-u-helidda arrimaha la isku hayo ee heshiiska siyaasadda Soomaaliya.