XULASHOOYINKA AWOOD QEYBSI EE NIDAAMKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Soomaaliya waxa ay qaadatay nidaamka federaalka sanadii 2004 markaasoo la dhisay dowlad kumeelgaar ah. Nidaamkan ayaa noqday mid asaaskiisa la adkeeyay sannadkii 2012 kadib markii la ansixiyay Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka, kaasoo caddeeyay meelo badan oo xasaasi ah oo ku saabsan nidaamka maamul ee Soomaaliya. Mabda’ ahaan, hirgelinta nidaamka federaalka waxa uu ahaa mid lagu doonayo in lagu xakameeyo colaadda, iyadoo la dareemayay in dib-u-qeybinta awoodda iyo kheyraadka dhaqaale oo Muqdisho laga fogeeyo loona daadejiyo gobollada ay uga dhignaan karto dhinacyada colaadda isku haya in ay yareeyaan tartanka loogu jiro awoodda ee caasimadda. Fikirka federaalku waxaa la dhihi karaa waxa uu sahlay xiriir iskaashi oo ka dhexeeya Soomaalida, wuxuuna abuuray wada shaqeynta dowladda dhexe ee Muqdisho fadhigeedu yahay iyo dowlad-goboleedyada dhisnaa, sida Puntland. Lagasoo bilaabo sanadkii 2012, kadib ansixintii Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka, waxaa sidoo kale suuragashay dhismaha Dowlad-goboleedyo, taasoo gobollada u abuurtay qaab-dhismeed ay kula xiriiraan dowladda dhexe.

Inkastoo uu horumarkan jiro, dhinacyo badan oo kamid ah hannaanka federaalka Soomaaliya ayaan weli qeexneyn, gaar ahaan awood qeybsiga heerarka kala duwan ee dowladda. Arrinka awood-qeysiga ayaa xuddun u ah nidaamka federaalka, maadaama la qeexayo heerka awoodda dhabta ah ee dib looga celinayo dowladda dhexe. Ilaa hadda ma jiro wax heshiis ah oo ay Soomaalidu ka gaareen arrintan, iyadoo dastuurka federaalka kumeelgaarka uu bixinayo oo keliya tilmaamahaan soo socda oo iska hor imaanaya oo ku saabsan awood qeybsiga.

Maqnaanshaha heshiis ku saabsan qeybsiga awoodaha ayaa sabab u noqday khilaaf iyo xiisado u dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladda, gaar ahaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada. Bishii Oktoobar 2017, tusaale ahaan, muranno ka dhashay xiriirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya – oo aanu dastuurka federaalka kumeelgaarka ah caddeyneynin – ayaa keenay khilaaf kadib markii shanta dowlad goboleed ay dhiseen Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, kahor inta aanay hakin xiriirkii ay la lahaayeen dowladda federaalka sanadkii xigey. Meelaha kale oo ay ka jirtay xiisadda la xiriirta awood-qeybsiga waxaa kamid ahaa arrinta ku saabsan qeybinta deeqaha caalamiga ah iyo doorka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee waxbarashada. Xiisadaha noocaan oo kale ah ayaa gacan ka geystay hardanka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. In si cad loo qeexo awood qeybsiga hannaanka federaalka ee Soomaaliya waa mudnaan muhiim ah marka ay timaaddo horumarinta hiigsiga dalka ee colaadaha kadib.

Si taas loo gaaro, wadahadal siyaasadeed oo macno leh oo loo dhan yahay oo ku saabsan awood qeybsiga waa lama huraan. Sidaas daraadeed, faalladan waxay qeexaysaa qaab-dhismeedka lagu falanqeynayo arrinta, iyo sidoo kale fursadaha jira ee lagu bilaabi karo wadahadal ku saabsan hababka siyaasadeed ee khuseeya. Faalladan waa qeyb kamid ah cilmibaarisyo taxane ah oo soo bandhigaya xulashooyin ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee la xiriira iyo madmadowga ku jira heshiiska siyaasadda Soomaaliya. Arrimaha muhiimadda gaarka ah u leh moqduucan waa faallooyinka Platform-ka ee falanqeynaya federaaleynta maaliyadda iyo naqshadda amniga. Faallooyinkan ayaa la sameeyay iyadoo lala tashanayo khubaro farsamo oo kala duwan iyo dad saameyn ku leh siyaasadda oo qeyb ka ahaa hindisaha ‘F20’ ee Platform-ku qabtay, kulamadaasoo si wada jir ah u baaray xalalka arrimaha muranku ka jiro ee heshiiska siyaasadda Soomaaliya. Faalladan waxaa loogu talagalay in ay afkaar ku biiriso siyaasad-dejiyeyaasha Soomaaliyeed iyo dadweynaha muddo xileedkan siyaasadeed, iyadoo u oggolaanaysa inay dib u galaan wadahadal waxtar leh oo ku saabsan arrintan.

  • Recent Publications

    አዲሱ የደቡብ ኢትዮጵያ የክላስተር አደረጃጀትና የሀብት ክፍፍል ተግዳሮቶች፡ የዘይሴ-ጋሞ እና ቀቤና-ጉራጌ ድንበርአካባቢ ግጭቶች

    ይህ ሪፖርት በደቡብ ኢትዮጵያ ከ2010 ጀምሮ የተተገበረውን የአስተዳደር ክላስተር መልሶ ማዋቀር ተከትሎ፣ በዘይሴ እና በጋሞ እንዲሁም በቀቤና እና በጉራጌ ብሔረሰቦች መካከል በተከሰቱ ውጥረቶች ላይ ያተኩራል።

    MORE »