Search
Close this search box.

Rift Valley Institute

Making local knowledge work

SUURAGALMINADA DHISMAHA GOLEYAASHA DEGMOOYINKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR

Soo koobid

  • Isbeddelka degdegga ah iyo khataraha amniga ayaa maamulka gobolka Banaadir ka dhigay mid aan xasilneyn. Sameynta golaha deegaanka ee gobolka Banaadir (oo ka kooban 17 degmo) waxa ay ahayd howl aad u caqabado badan. Labaatankii sano ee lasoo dhaafay, hoggaanka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir (MGB) oo si degdeg ah loo bedbeddelayay (ama hoggaan la’aan mararka qaar), loolan ka dhex-jiray beelaha dega gobolka iyo rajada kuwa u arka in magaaladu ay tahay caasimadda dalka, oo ay wehliso amni-darro daba-dheeraatay iyo khatarta lagala kulmayo al-Shabaab, ayaa adkeysay in la dhiso maamul xasilloon. Qormadan waxa ay sahmineysaa fursadaha uu heysto Maamulka Gobolka Banaadir ee la xiriira ballaarinta dimuqraadiyeynta iyo sameynta goleyaasha degmooyinka.
  • Joogitaanka dowladda federaalka iyo xiriirka dhinacyada badan ee u dhexeeya beelaha ayaa xaddidaya heerka la xisaabtanka muwaadiniinta ee MGB. MGB ayaa udub-dhexaad u ah arrimo dowladeed oo isku dhafan, oo ay kamid yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo beelaha deggan magaalada. Gaar ahaan, xaqiiqda ah in MGB uu DFS u yahay isha dakhli ee ugu muhiimsan ayaa waxa ay arrin muhiim ah u ahayd hoggaanka federaalka oo aan muujinin rabitaan ah in uu wareejinayo awoodaha maamul. Arrinkan waxaa sii xoojiyay awoodda hoggaanka dowladda federaalku u leeyahay magacaabista guddoomiyaha iyo ku-xigeennada MGB, taasoo dhalineysa qaab-dhismeed dowladeed oo aanay dadka deegaanku lahayn awood la-xisaabtan toos ah.
  • Xaaladda amni ee soo hagaagaysa iyo baaqyada Muqdisho ee la xisaabtanka iyo metelaadda ayaa xoojinaysa baahida ah in baarlamaanka uu go’aansado mid kamid ah saddexda hab-maamul ee Muqdishu loo soo jeediyay. Hoos-u-dhaca ku yimid saameynta al-Shabaab iyo horumarka laga gaaray amniga Muqdisho ayaa sii kordhinaysa baaqyada ah in la dhiso gole deegaan oo lasoo doortay. Haddaba, waa in baarlamaanka uu ugu horreyn doortaa mid kamid ah saddexda xulasho oo ay soo jeediyeen hay’adaha arrimaha dastuurka kuwaasoo kala ah, in ay Muqdisho/Banaadir noqoto: 1) Degmo federaal; 2) Dowlad Xubin ka ah Dowladda Federaalka, ama 3) Magaalo madax ku dhex taalla dowlad-goboleed. Go’aanka mustaqbalka waa in uu ku saleysnaadaa iskaashi iyo qiimeyn dhab ah, halka uu ahaan lahaa fursad siyaasadeed taasoo horey u carqaladeysay dadaallada dib-uhabeynta.
  • Marka la eego su’aasha maqaamka, MGB waxa uu u ololeynayaa “Nooca Berlin” in uu noqdo maqaamka Muqdisho, oo ah caasimadda Soomaaliya. Qaabkan, MGB waxa uu noqon doonaa dowlad-goboleed lamid ah dowladgoboleedyada kale ee Soomaaliya oo metelaad ku filan ku leh labada aqal ee baarlamaanka, iyadoo sidoo kale ay Muqdisho sii ahaaneyso magaalomadaxda dalka.
  • Maamulka Gobolka Banaadir ee hadda jira waxa uu door bidayaa in la dhiso qaab-dhismeed gobol oo cusub, iyagoo aaminsan in uu yahay waddo fudud oo la hirgelin karo taasoo la jaan-qaadaysa hannaanka awoodqeybsiga beelaha ee ka jira Gobolka Banaadir, oo hoy u ah in ka badan labo milyan oo qof. Habkani, marka loo eego MGB, ma aha mid faa’iido u leh oo kaliya laakiin sidoo kale ujeedadu waa in uu horseedo isbeddel lagu sameeyo nidaamka maamul, si loo hubiyo sii socoshada iyo xasilloonida gudaha ee bulshada gobolka.
  • Dib-u-habeyn maamul ee ballaaran ayaa u baahan doonta tixgelinta hab dhinacyo badan leh oo ku lug leh qaab-dhismeed sharci oo adag, rabitaan siyaasadeed ee doorashooyinka degmooyinka, iyo dib-u-dejin dakhli oo hufan suuragalna ah. Waxa ay sidoo kale la macno tahay hubinta in metelaad ay helaan bulshada deggan Muqdisho—oo ay ku jiraan dadka gudaha ku barakacay—iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee u arka in Muqdisho ay tahay caasimaddooda. Marka taariikhda dib loo eego, iskudaygii 2008 ee dhismaha golaha deegaanka—oo loo arko qaab loo wada dhan yahay, oo la qaabeeyay iyadoo ay jireen qalalaase baaxad leh—ayaa noqon kara bar bilow.
  • Baahida loo qabo dimuqraadiyeynta Gobolka Banaadir waa mid la taaban karo, iyadoo dastuurka, nuucyada horey loo tijaabiyey iyo dareenka dadweynuhu ay dhammaantood u janjeeraan dhinacan. Haddaba waa in diiradda la saaraa qorshe hufan iyo istaraatiijiyado wax-ku-ool ah oo hubinaya in isbeddel dimuqraadi ah uusan dib-u-dhac ku imaan ama la kulmin dhibaatooyin laga baaqsan karo.

Find the English version of this briefing here.

  • Recent Publications