Search
Close this search box.

Rift Valley Institute

Making local knowledge work

HESHIISKA SIYAASADEED EE DOWLAD-GOBOLEEDKA GALMUDUG

Hordhac 

Galmudug ayaa ilaa iyo dhawaanahan loo arkayay dowlad-goboleed ay colaado iyo kala qeybsanaan badani ka jiraan, oo ay qaabeeyeen colaadihii laga dhaxlay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya. Khilaafyada joogtada ah ee beelaha ku saleysanaa ee u dhexeeyay kooxaha siyaasadeed awgood, waxaa lagu sifeeyay in aysan ka jirin awood siyaasadeed oo mideysan. Xitaa iyadoo gobollada kale ee Soomaaliya ay sameysteen maamullo kumeelgaar ah oo markii dambe noqday dowlad-goboleedyo xubno ka ah dowladda federaalka, Galmudug ayaa ahayd maamul ay qeybiyeen kooxo doonayey in ay iyagu maamul u dhisaan. Geeddi-socodkii dhismaha dowlad goboleedka Galmudug, oo lasoo gebagebeeyey 2015-kii, ayaa awoodi waayey in uu taageero ka helo kooxo hubeysan oo dhowr ah, rabshadahaas ayaana udub-dhexaad u noqday nidaamka siyaasadeed. Xaaladdan ayaa si cad usoo muuqatay kadib markii ay sanadkii 2020 dheceen dagaallo la xiriiray hanaankii doorasho ee u dambeeyay, iyo sidoo kale bishii Oktoobar ee sanadkii 2021, markii dagaal uu ka dhex billowday dowlad-goboleedka iyo kooxda suufida ah ee Ahlu-sunna Wal Jamaaca (ASWJ). 

Inkastoo ay khilaafyadan soo jireen sanado badan, waxaa Galmudug kasoo muuqanaya isbeddello wanaagsan. Maamulka Galmudug waxa uu leeyahay mucaarad aan badneyn (sida ASWJ) mana jiraan maamullo kale oo ka dhisan gudaha Galmudug oo loollan kula jira. Al-Shabaab ayaa dhawaan laga saaray dhul baaxad leh oo muhiim ah oo ka tirsan maamulka waxa ayna haatan ka taliyaan keliya degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri. Xiriirkii xumaa ee u dhexeeyay Puntland iyo Galmudug iyo xiisadihii ka jiray magaalada Gaalkacyo, oo u dhexeeyay labada maamul, ayaa muddooyinkii dambe yaraaday. Dhismaha goleyaasha degmooyinka ayaa sidoo kale si habsami leh uga socda Galmudug oo dhan. 

Sikastaba ha ahaatee, caqabado ayaa weli jira. Beelo badan ayaa hubeysan oo leh awood madax bannaan. Inkastoo la wiiqay, haddana al-Shabaab waxa ay weli khatar amni ku yihiin maamulka Galmudug. Ilaha dakhliga ee maamulka iyo awoodda canshuur uruurinta ayaa xaddidan, taasoo ka horjoogsaneysa maamulka inuu ballaariyo bixinta adeegyada bulshada. Si looga gudbo siyaasaddii qalafsaneyd ee Galmudug ka jirtay, islamarkaana loo qiimeeyo isbedellada hadda jira, faalladan kooban waxa ay soo bandhigeysaa hannaan heshiis siyaasadeed. Heshiis siyaasadeed waxaa loola jeedaa faham la wadaago iyo ka go’naan la xiriirta isticmaalka awoodda, oo ay jilayaasha siyaasaddu wadaagaan heshiis aasaasi ah oo ku aadan awoodda hay’adaha dowlad-goboleedka, iyo sida awooddaas loogu tartami karo si nabad ah.

Sidaas darteed, khilaafyada iyo colaadaha muddada dheer ka jiray Galmudug waxaa lala xiriirin karaa maqnaanshaha heshiis siyaasadeed. Isbeddellada wanaagsan ee dhawaanahan dhacay ayaa, sikastaba ha ahaatee, loo arki karaa in ay yihiin fursado lagu dejiyo laguna cadeeyo xeerarka tartanka siyaasadda, taasoo gacan ka geysaneysa sameynta isbedello siyaasadeed oo si nabad ah ku dhaca. Faalladan kooban waxa ay dulmar guud ka bixineysaa xaaladahan is-beddelaya iyadoo xalal loosoo bandhigayo daneeyayaasha Galmudug. 

  • Recent Publications