GEEDDI-SOCODKII SIYAASADEED EE SOOMAALIYA EE 2021-22: CASHARRADA LAGA BARTAY IYO DIMUQRAADIYADDA MUSTAQBALKA

HORDHAC 

Tan iyo 2012-kii, markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay beddeshay Dowladdii Federaalka Kumeelgaarka ahayd, Soomaaliya waxa ay isku dayday in ay ballaariso hannaanka lagusoo xulo hoggaanka iyadoo la aadayo nidaam dimoqraadi ah. Ilaa iyo hadda, horumarka laga gaaray doorasho qof iyo cod ah ayaa ah mid xaddidan, halka geeddi-socodyada doorashadu ay noqdeen kuwo dhaliya colaado, islamarkaana weeciyeen howlaha kale ee aasaasiga u ah dowlad-dhisidda iyo horumarinta.

Iyadoo ay jirto xaaladdan, soo xulista madaxda siyaasadda ee dowladda federaalka waxaa marar badan saameyn ku lahaa doorashooyin dadban, oo aan ahayn doorasho ‘qof iyo cod’ ah, oo la isticmaalayo habka 4.5 ee metelaadda beelaha oo ay dowladda federaalka ka dhaxashay dowladdii kumeelgaarka ahayd. Sanadkii 2012, 135 oday ayaa soo xulay 275 xildhibaan, kuwaasoo iyaguna madaxweyne u doortey Xasan Sheekh Maxamuud. Inkastoo doorasho ‘qof iyo cod’ ah ay qeyb ka ahayd hanaankii kala guurka ee ‘Hiigsiga 2016’ kaasoo ay beesha caalamku ku taageereysay dowladda federaalka ee uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, hiigsigan ugu dambeyntii wuxuu noqday mid aan suuragelin. Taa beddelkeeda, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ waxaa 2017-kii doortay xildhibaanno lagusoo xulay nidaam doorasho dadban oo ay ku lug lahaayeen odayaasha beelaha iyo ergo ee dhammaan dowlad-goboleedyada. Qiyaastii 14,000 oo qof ayaa ka qeyb qaadatay geeddi-socodkii doorashadii dadbaneyd ee 2016/2017, oo lagu sifeeyay in ay lahayd cod iibsi iyo faragelin siyaasadeed oo muuqata.

Kadib markii si nabad ah xilka loogu wareejiyay Madaxweyne Farmaajo, waxaa mar kale soo ifbaxday rajada laga qabo in la qabto doorasho qof iyo cod ah oo markii ugu horeysay burburkii kadib ka dhacda dalka Soomaaliya. Sikastaba ha ahaatee, ballaarinta doorashada ayaa ugu dambeyntii lagu guul darreystay. Taa beddelkeeda, khilaaf la xiriiray hannaanka doorashada ayaa horseeday xasillooni-darro siyaasadeed iyo khilaaf. Markii ugu dambeyntii la hirgeliyay nooc doorasho, inkastoo xoogaa la ballaariyey, haddana waxaa lasoo jeediyay dhaleeceyn lamid ah habraacii hore. Bilowga muddo xileed cusub oo ah in Xasan Sheekh loo doortay madaxweynenimada markii labaad, ayaa waxa ay fursad u siinaysaa in dib loo milicsado geeddi-socodkii ugu dambeeyay si looga fogaado khilaaf hor leh oo ku saabsan doorashooyinka iyo in la tixgeliyo fursadaha hore u socodka iyo ballaarinta ka qeybgalka siyaasadda.

Haddaba, warbixintan waxa ay soo bandhigeysaa casharro laga bartay doorashooyinkii dadbanaa ee dib-u-dhacay sidoo kalena daba-dheeraaday ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha ee qabsoomay muddadii u dhexeysay 2021-2022. Warbixintan waxa uu ujeedkeedu yahay in ay aragti ku biiriso wada-xaajood dhexmara jilayaasha siyaasadda Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka ee sidii doorashada soo socda ay u noqon lahayd mid uu ku yaryahay khilaafka, sare u qaadeysa tartan doorasho oo xor iyo xalaal ah sidoo kalena sare u qaadeysa metelaadda bulshada.

Warbixintan waxaa soo saaray Somali Dialogue Platform. Somali Dialogue Platform waa barnaamij Soomaalida ka taageera sidii loo gaari lahaa is-afgarad ku saabsan arrimaha la isku haysto ee siyaasadeed waxaana fuliya Machadka Rift Valley. Somali Dialogue Platform waxaa maalgeliya Foreign, Commonwealth and Development Office (FCDO) ee Boqortooyada Ingiriiska, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Denmark, iyo Hay’adda Mareykanka u Qaa- bilsan Horumarinta Caalamiga (USAID). 

  • Recent Publications

    አዲሱ የደቡብ ኢትዮጵያ የክላስተር አደረጃጀትና የሀብት ክፍፍል ተግዳሮቶች፡ የዘይሴ-ጋሞ እና ቀቤና-ጉራጌ ድንበርአካባቢ ግጭቶች

    ይህ ሪፖርት በደቡብ ኢትዮጵያ ከ2010 ጀምሮ የተተገበረውን የአስተዳደር ክላስተር መልሶ ማዋቀር ተከትሎ፣ በዘይሴ እና በጋሞ እንዲሁም በቀቤና እና በጉራጌ ብሔረሰቦች መካከል በተከሰቱ ውጥረቶች ላይ ያተኩራል።

    MORE »