DOORKA UU 4.5 KU LEEYAHAY DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOWLADNIMADA SOOMAALIYA

Dulmar

Inkastoo ay isbeddello waaweyn ka dheceen saaxadda siyaasadda Soomaaliya labaatankii sano ee lasoo dhaafay, arrin aan is beddelin ayaa ah ku tiirsanaanta nidaamka awood-qeybsiga beelaha, oo ay kamid tahay ‘4.5’. Inkastoo Dastuurka Kumeelgaarka ee Soomaaliya uusan dhigeyn wax tixraac ah oo la xiriira nidaamkan, haddana waxa uu hannaanka 4.5 go’aamiyaa saami qeybsiga beelaha ee Golaha Shacabka iyo Golaha Wasiirrada. Nidaam awood-qeybsi beeleed ayaa ka jira Aqalka Sare, xilalka muhiimka ah ee hoggaanka dalka, qeybsiga awoodaha siyaasadeed ee dowlad-goboleedyada, iyo heerka dowladaha hoose.

Nidaamka 4.5 ayaa markii ugu horeysay la hindisay sanadkii 1997 si uu u noqdo nidaam kumeelgaar ah oo lagu maareeyo metelaadda siyaasadda dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay kadib, iyadoo saami qeybsi isla-eg loo qoondeeyay afar beelood halka bar loo qoondeeyay dhowr beelood oo la isku geeyay. Nidaamkan waxaa la rasmiyeeyay sanadkii 2000, Shirkii Nabadda ee Carta, Jabuuti. Nidaamka waxaa ugu horeyntii ku heshiiyey saamileyda siyaasadda si uu u noqdo hab looga gudbo dowlad la’aanta ilaa inta dastuur cusub uu nidaaminayo hababka metelaadda baarlamaanka ee dalka. Aragti ahaan, Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012 ayaa meel looga gudbi karo gaarsiiyey habkan kumeelgaarka ah, maadaama qodobka 4-aad uu damaanad qaadayo ka-qeybgalka dadka oo dhan ee doorashooyinka, iyadoo lagu saleynayo nidaamka xisbiyada siyaasadeed. In ka badan toban sano kadib markii la ansixiyay dastuurka, wax horumar ah lagama gaarin in laga gudbo nidaamkii kumeelgaarka ahaa ee 4.5. Ma jirin afti dadweyne ama doorasho toos ah oo la qabtay, iyadoo metelaadda Golaha Shacabka ay weli ku saleysan tahay 4.5. Waxaa intaa dheer, awood qeybsiga beelaha ayaa ah mid si baahsan loogu dhaqmo.

Doorka isticmaalka joogtada ah ee 4.5 ayaa muran weyn ka dhex dhaliyay madaxda siyaasadda Soomaalida iyo guud ahaan shacabka, iyadoo dad badan ay ku doodayaan in yegleelidda maamul dimoqraadi ah ay suurageli karto keliya haddii la joojiyo habka awood qeybsiga beelaha. Dadaalladii lagu doonayay in looga gudbo nidaamkan ayaa sanadihii u dambeeyay lagu guul-darreystay, maadaama saamiley kala duwan ay leeyihiin aragtiyo iyo dano iskasoo horjeeda oo ku saabsan goorta, sida iyo heerka arrintan laga gudbi karo.

Heshiis la’aantan, oo ay weheliso ku-tiirsanaanta baahsan ee awood-qeybsiga beelaha, ayaa caqabad weyn ku ah horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan marka la eego xoojinta dimuqraadiyeynta iyo suuragelinta maamul tayo leh oo dadka u shaqeeya lagu xusho karti iyo aqoon. Waxaa lama huraan ah in wada-hadal loo dhan yahay oo macno leh la sameeyo kaasoo diiradda lagu saarayo heshiis-ka-gaaridda arrintan. Sidaas darteed, faalladan qotada-dheer ujeedadeedu waxay tahay in aragti lagu biiriyo lana xoojiyo doodaha la xiriira nidaamka 4.5, iyo sidoo kale guud ahaan habka awood qeybsiga beelaha. Qormadan waxa ay soo koobaysaa cilmibaaris ballaaran ee uu Platform-ka ka sameeyay mowduucan, oo ay ku jiraan wareysiyo lala yeeshay khubaro Soomaaliyeed oo xog-ogaal ah; dib-u-eegis lagu sameeyay qoraallada horey looga qoray mowduuca iyo dukumintiyo siyaasadeed; iyo falanqeyn ku aadan qaabka heer qaran looga hirgeliyey nidaamka 4.5. Warbixinta waxa ay dulmar guud ku sameyneysaa taariikhda awood-qeybsiga beelaha ee Soomaaliya, kahor inta aan la faafaahin sida nidaamka 4.5 loogu dhaqmayey kahor shirkii Carta. Intaas kadib, waxa ay warbixintu falanqeyneysaa saameynta uu 4.5 ku leeyahay heshiiska siyaasadeed ee Soomaaliya iyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, iyadoo gabagabada lasoo bandhigayo dhowr xulasho oo tixgelin mudan.

  • Recent Publications

    አዲሱ የደቡብ ኢትዮጵያ የክላስተር አደረጃጀትና የሀብት ክፍፍል ተግዳሮቶች፡ የዘይሴ-ጋሞ እና ቀቤና-ጉራጌ ድንበርአካባቢ ግጭቶች

    ይህ ሪፖርት በደቡብ ኢትዮጵያ ከ2010 ጀምሮ የተተገበረውን የአስተዳደር ክላስተር መልሶ ማዋቀር ተከትሎ፣ በዘይሴ እና በጋሞ እንዲሁም በቀቤና እና በጉራጌ ብሔረሰቦች መካከል በተከሰቱ ውጥረቶች ላይ ያተኩራል።

    MORE »