Tobankii sano ee lasoo dhaafay, waxaa jiray guulo muhiim ah oo laga gaaray geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, iyadoo la dhisay dowlad federaal ah kadib markii la ansixiyay Dastuurka Kumeelgaar ah sanadkii 2012. Wixii ka dambeeyay sanadkii 2013, Dowlad-goboleedyo ayaa la dhisay, iyadoo sidoo kale la sameeyay dhowr dib-u-habeyn hay’adeed oo muhiim ah. Sikastaba ha ahaatee, nuglaan ayaa weli ka jirta siyaasadda guud ee Soomaaliya – heshiiska aasaasiga ah ee ‘ hannaanka dowlad-dhiska’ – taasoo caqabad ku noqotay in horumar joogta ah la sameeyo.
Mid kamid ah cilladaha waa maqnaanshaha heshiis amni oo xooggan oo qeexaya qaab-dhismeedka guud iyo qeybinta awoodaha iyo masuuliyadaha laamaha amniga iyadoo la isticmaalayo hannaan federaal ah. Horumar aan badneyn ayaa la sameeyay, gaar ahaan heshiiskii horudhaca ahaa ee horraantii 2017 la galay ee dhexmaray madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ee Naqshadda Amniga Qaranka. Heshiiskaas waxa uu xoogaa kala caddeeyay arrimo ay kamid yihiin tirada iyo qeybinta ciidamada ammaanka iyo talisyada iyo qaab-dhismeedkooda. Habka diyaarinta Naqshadda Amniga Qaranka ayaa lagu dhaleeceeyay maqnaanshaha lahaanshaha Soomaalida iyo jiritaan la’aanta wada-xaajood macno leh oo lagu dhisay heshiiskaas. Kadib isku dayo ay sameeyeen madaxda Dowladda Federaalka ee cusbaa markaas ee lagu doonayay in dib dowladda federaalka loogusoo celiyo awoodda qeybo kamid ah arrimihii looga heshiiyey Naqshadda Amniga Qaranka ee 2017, heshiiskii lama fulin. Taas beddelkeeda, Dowladda Federaalku waxa ay xoogga saartay Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya. Qorshahaas waxa uu soo bandhigay istaraatiijiyad ku aaddan jebinta Al-Shabaab iyo dib u qabsashada dhulka uu al-Shabaab maamulo laakiin ma aysan soo jeedin qaab kale oo lagu wajahayo arrimaha aasaasiga u ah heshiiska amniga.
Si loo taageero wada-hadallo wax-ku-ool ah oo arrintan ku saabsan, faalladan waxay falanqeyneysaa arrimaha la isku hayo ee Naqshadda Amniga Qaranka ee u baahan in laga wada hadlo si loo helo heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan amniga, iyadoo faalladu soo jeedineyso xalalka suurtagalka ah ee arrimahan. Qormadan waxaa la sameeyay iyadoo lala tashanayo khubaro farsamo oo kala duwan iyo siyaasiyiin kasoo qeyb galay kulamada “F20”, oo loo naqshadeeyay in lagu falanqeeyo xalalka arrimaha muranka ka jiro ee siyaasadda Soomaaliya. Xulashooyinka lagusoo bandhigay faalladan ma aha kuwo dhammays tiran, waxaana loogu talagalay inay bilow u noqdaan wadahadal. Waxaa barbar socda faallooyin kale oo dhowr ah oo ka hadlaya arrimo kale oo la isku hayo ee siyaasadda Soomaaliya, sida awood-qeybsiga iyo maqaamka Muqdisho.