Maqaalkan waxaa qoray Axmed Shire iyo Cabdideeq Warsame oo ka wada tirsan Jamacadda Puntland State. Waa maqaal kasoo dhex baxay mashruuca X-Border Local Research Network, gaar ahaan barnaamijka DFID ee Cross- Border Conflict—Evidence, Policy and Trends (XCEPT), waxaana maalgeliyey UKaid ee dowladda Ingiriiska. Barnaamijka waxa uu sameeyaa cilmibaaris si loo fahmo sababaha iyo saameynta ay leeyihiin colaadaha ka jira xuduudaha iyo baaxadda colaadahan ee heerka caalami. Barnaamijka waxa uu taageerayaa jaangoynta siyaasado waxtar leh iyo barnaamijyo hormarineed, waxaana uu dhisayaa xirfadaha hay’adaha maxaliga ah ee ka shaqeeya barnaamijka.
Translated by Tayo Translations. Read the English version here.
Yemen iyo Soomaaliya waxaa isku xira xuduud-badeedka Badda Cas—oo ah marin iskaashi iyo wax-is-weydaarsi oo xiriiriya labada dal. Taariikh ahaan, isu-socodka Soomaalida iyo Yemeniyiinta waxa ay ahayd mid labada dhinac ah. Balse markii uu dagaalka sokeeye ka bilowday dalka Yemen sannadkii 2015, muhaajiriinta waxa ay intooda badan ahaayeen Yemeniyiin kasoo cararaya colaadaha Yemen, oo ay sidoo kale wehliyaan Soomaali ku nooleed dalka Yemen oo dib ugusoo laabanayay dalka. Waqtiyadii hor, isu-dhawaansha labada dal, oo sare u qaadday xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya magaalo xeebeedyada, waxa ay ka dhigneyd in Yemeniyiinta iyo Soomaalida ay hormariyeen labada daan ee Badda Cas, taasoo fududeysay is-dhexgalka weli socda ee dhinacyada dhaqanka iyo ganacsiga.
Hadda, inta badan Yemeniyiinta yimaada Puntland waa qaxooti ay soo jiidatay isu-dhawaanshaha, soo gelitaanka oo sahlan iyo xiriirka bulsho oo ay si fudud ula sameeyaan Yemeniyiinta horey u joogay. Qaar badan ayaa u arka in ay Puntland u tahay qaxootinnimo kumeelgaar ah, ama goob lagu rumeeyo hanka mustaqbal ee muhaajiriinta. Iyadoo qeyb ka ah mashruuca Machadka Dooxada Rift ee ku saabsan xiriirrada xuduudaha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen (halkan iyo halkan ka akhriso labo warbixin) cilmibaarayaasha la shaqeeya machadka oo katirsan Jaamada Puntland State oo ku taalla magaalada Garowe, ayaa la hadlay Yemeniyiin ku nool magaalooyinka Bosaaso iyo Garowe ee Puntland si ay uga sheekeeyaan noloshooda.
Maxay Yemeniyiintu u doortaan Puntland?
Tan iyo bilowgii dagaaladii sokeeye ee ka bilowday Yemen, waxaa kordhay socdaalka dadka Yemeniyiinta ah ay imanayeen Puntland maadaama ay raadinayeen goob ay uga badbaadaan dagaallada iyo burburka ganacsi ee wadankooda. Badanaa, Soomaaliya ma ahan doorashada koowaad ee Yemeniyiinta maaddaama ay inta badan door bidaan wadamada Khaliijka, halkaas oo ay u badan tahay in ay ka helaan fursado ganacsi. Si ay ugu safraan uguna noolaadaan Khaliijka, waa in ay leeyihiin kafeel, laakiin qaar badan ma helaan kafeel. Tani ayaa ah sababta ugu weyn oo ay u aadaan Soomaaliya, oo aanan looga baahneyn kafeel islamarkaana aanay jirin caqabado soo gelitaan oo ay wajahaan Yemeniyiinta kasoo cararaya dagaallada.
Maasim Khaadim, oo ah Yemeni ku nool Boosaaso ayaa yiri:
Waxa aan khat si qarsoodi ah u geyn jirey Saudi Arabia, waxa ay ii ahayd ganacsi aad u fiican, laakiin waxaa xuduudda igu qabtay oo i xirey police-ka Saudi, waxa ay xogteyda geliyeen diiwaankooda, sidaas darteed waxaa la iga xannibey in aan galo dhammaan wadamada Khaliijka. Waxa aan isku dayay in aan galo dalka Oman, laakiin waxaa soo baxdey xogteyda oo ahayd “xannibaad gelitaan”. Waa ay i xireen, waxa ayna ii gudbiyeen xabsi. Muddadii aan xabsiga ku jiray waxa aan la kulmay dad Yemeniyiin ah waxa ayna iiga sheekeeyeen Soomaaliya. Markii laygasoo daayey xabsiga, waxa aan go’aansaday in aan imaano [halkan].
Waxaa jira sababo kale oo Yemeniyiinta kusoo jiidaya Puntland. Ugu horeyntii, dhismaha jidka u dhexeeya Mukulla-Boosaaso waxa ay fududeysay in la yimaado Puntland, gaar ahaan in laga yimaado gobolka Hadhramout ee ku yaalla Koonfur-bari ee dalka Yemen, halkaasoo amnigeedu ka fiican yahay qeybaha kale ee wadanka. Qaxootiga ka imaanaya Yemen ee u safra Puntland ayaa badankood isticmaala dekadda Mukulla si ay u gaarraan Boosaaso, kadibna dhulka ayay maraan si ay u gaaraan goobaha ay u socdeen. Kharashka safar ee inta u dhexeysa Mukulla iyo Boosaaso wuu hooseeyaa maaddaama ay joogaan doomo isu gudbiya badeecadaha —uu kamid yahay kalluunka—inta u dhexeysa labada dekadood.
Cabdalla, oo ah Yemeni ku nool Boosaaso, oo maqaayad ku leh halkaas ayaa yiri, ‘Soomaaliya waxa ay aad ugu dhowdahay Yemen, safarku aad ayuu u qiima jabanyahay sidoo kale noloshu aad ayey u jaban tahay. Halkan waxa aan u joognaa in aan shaqeysanno oo aan u dirno waxa aan shaqeyno reeraheenna. Shaahir oo ah Yemeni kabalyeeri ah oo ka shaqeeya magaalada Garowe ayaa inoo sheegay: ‘waxaan leeyahay qoys ka kooban 10 qofood, waxa ay ku nool yihiin Yemen waxa ayna u baahan yihiin USD 400 si ay ugu noolaadaan laakiin waxa aan u diraa USD 100-150 keliya bishii, mararka qaarna waxba uma diro. Iyagu waa ay dhibaatoonayaan, aniguna waxa aan isku dayayaa in aan caawiyo’.
Maxamed Salim, oo ah 21 jir kabalyeeri ah oo ku nool kana shaqeeya magaalada Garowe waxa uu ka yimid Sanca’, Yemen. Waxa uu sharraxay sida uu Puntland ku dagay. Maxamed waxa uu Yemen kasoo tagey sannadkii 2014-kii waxa uuna soo aadey Saudi Arabia, halkaa uu qasnaji ka ahaa dukaan. Waxa uu afar sanno ku noolaa Riyadh, laakiin 2018-kii dowladda Saudi Arabia ayaa soo sartay sharci dambiile ka dhigaya ajaanibta ka shaqeysa ganacsiyada yaryar. Kafeel-kii Saudi-ga ahaa sidoo kalena uu isaga u shaqeynayey ayaa ka jooyiyey shaqadii. Kabid waa la xirey waxaana dib loogu celiyey Yemen. Maxamed waxa uu joogay halkaas labo bilood, kadibna waxa uu go’aansaday in uu aado Masar, isagoo ujeedkiisu yahay in uu Yurub gaaro. Inta uu ku guda jirey safarkiisa, waxaa xuduudka ku qabtay xireyna booliska Masar waxa uuna xabsi ku jirey mudo 57 maalmood ah. Kadib xornimadiisa ayaa dib loo siiyey isagoo lagu shardiyey in uu dib ugu laabto Yemen, laakiin waxa uu u baxsadey Malaysia halkaasoo uu ka helay casuumaad uga timid saaxibkii oo Kuala Lumpur joogay. Kadib markii uu Malaysia tagey, waxa uu shaqo ka helay maqaaxi ay leeyihiin ganacsato Siiriyaan ah. Muddo saddex bilood ah uu halkaas joogay kadib, Maxamed waxa uu aadey magaalada Muscat, Oman, kadib markii uu saaxiibkii shaqo ugu yeeray. Laakiin, shaqaalaha Yemeniyiinta waxaa keliya oo loo oggol yahay in ay ka shaqeeyaan maqaayadaha ama shaqooyinka muruq-maalka ah sida riinjiyeynta iyo dhismayaasha. Maxamed waxaa ku adkaatay in fiisaha loo cusbooneysiiyo, kadibna waa la xirey isgaoo dib loogu celiyey Yemen. Maalmihii uu xabsiga ku jirey, maxaabiistii jeelka kula jirtay ayaa uga warramay Soomaaliya, jidka loo maro iyo fursadaha ganacsi ee ka jira. Kadib markii lasoo daayey waxa uu go’aansaday in uu Soomaaliya usoo safro.
Si aad u aragto safarkii Maxamed uu uga yimid Yemen kunasoo gaaray Soomaaliya isagoo soo maray Masar, Oman iyo Malaysiya, halkan dhag sii.
Xiriirka ganacsi ee qotada-dheer ee u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya ayaa sababay in waddooyinka u dhexeeya labada dal noqdaan kuwa caan ah, xogtana la wadaago iyadoo loo marayo Yemeniyiintii Soomaaliya ku nool. Tani waxa ay fududeyneysaa isu-socodka labada wadan. Marka ay yimaadaan Puntland, qaxootiga Yemeniyiinta ah waxa ay badankooda degaan kuna noolaadaan xeryaha qaxootiga oo ay taageeraan hay’ado caalami ah iyo maamulka Puntland.
Goobaha ka baxsan bulshadooda, Yemeniyiinta waxa ay ku dareemaan in ay joogaan guryahooda sababtoo ah waxa ay Soomaalida wadaagaan dhaqamo qaar sida cuntooyinka qaar, cunista qaatka iyo sidoo kale diinta Islaamka. Guurka labada bulsho—Yemeniyiinta iyo Soomaalida—waa mid caadi ah. Soomaali badan oo dib ugusoo laabtay Puntland ayaa qaba xaasas Yemeniyiin ah, sidoo kale Yemeniyiinta ku nool Puntland waxa ay leeyihiin qoysas isku dhaf ah. Cabdalla Xuseen ayaa inoo sheegay, ‘waxa aan ahay Yemeni , waxa aan guursadey labo dumar oo Soomaali ah’.
Yemeniyiinta ku jira ganacsiga
Marka lagasoo tago imaanshaha fudud iyo la-qabsiga nolosha Puntland, qaxootiga Yemeniyiinta waxa ay intooda badan la halgamaan sidii ay u heli lahaayeen dhaqaale ay ku noolaadaan iyagoo xitaa caawinaad ka raadiya hay’adaha taageera qaxootiga. Qaar ayaa billaabay ganacsiyo—badanaa maqaayado—halka kuwa kalena ay shaqo ka helaan ganacsiyada dhismayaasha iyo cuntada. Ganacsiyada waxaa badanaa kula shirkooba soomaali. Soomalida ayaa maalgeliya ganacsiga, halka Yemeniyiinta ay keenaan xirfadda iyo shaqaalaha lagu wadi lahaa ganacsiga.
Qaxootiga Yemeniyiinta, si ka duwan Itoobiyanka tusaale ahaan, waxaa u fudud in ay helaan shaqo, waxaana sabab u ah xirfadahooda iyo xiriirrada bulsho ee kala dhexeeya dadka maxalliga ah. Dhibaatooyin ayaa ka dhasha luqadda, cunista qaatka iyo khilaafyo soo noqnoqda oo ay Soomaalida loo shaqeeyo muujiyeen. Shaqaale Soomaali ah oo ka shaqeeya hay’ad aan dowli ahayn ayaa sheegay ‘inta badan kiisaska la xiriira sharciga {oo aan isku daynaa in an xallino} ee ku saabsan qaxootiga Yemeniyiinta ayaa ah khilaaf u dhexeeya dadka ay u shaqeeyaan ama ay shirko yihiin, halka khilaafyada ugu badan ee Itoobiyaanka uu ku saleysan yahay arrimo guryaha ah.
Xuseen, oo ah muhaajir Yemeni ah kuna nool Garowe, ayaa sheegay: ‘waxaan lahaa maqaayad kobceysay, taasoo u dhoweyd dhismaha dowladda hoose ee Garowe. Waxa uu ahaa ganacsi aad u faa’iido badan. Maalin maalmaha kamid ah, iyadoo aanay jirin ogeysiis hore, qandaraasleyaal ka socda dowladda hoose ayaa dhismaha soo galay, kadibna burburiyey dhismihii maqaayadda. Waxaan weynay cuntadii diyaarsaneyd, keydkii iyo sahaydii maalintaa. Hadda, waxaa dib u furay maqaayad kale’. Cabdullaahi, oo ah ganacsade Yemeni ah, ayaa sheegay: ‘waxa aan toddoba ganacsi shirko kula noqday ganacsato Soomali ah. Dhammaan ganacsiyadaas waxa ay u burbureen khilaaf ka yimid aniga iyo dadkii aan shirkada la ahaa. Hadda waxa aan maamulaa ganacsi aan aniga leeyahay ee ku yaalla Boosaaso’.
Maxamed Xuseen waa qaxooti Yemeni ah oo ku nool Garowe, kuna dhashay Raadac ee waqooyiga Yemen. Waxa uu ahaa ganacsade kahor inta aanu dagaalka ka bilaaban Yemen waxa uuna usoo cararay Soomaaliya. Maxamed ayaa qorsheeyay in uu ganacsi la billaabo saaxiibkii oo Soomaali ah kuna nool Kismaayo balse qorshahooda waa uu fashilmay kadib markii ay ku heshiin waayeen. Waxa uu go’aansadey in uu ganacsi ka bilaabo Boosaaso balse wax lacag ah gacanta kuma hayn. Maxamed waxa uu go’aansadey in uu lacag raadiyo waxa uuna ugu dambeyn la kulmay ganacsade jooga Boosaaso, Yaasiin, kaasoo oggolaadey in uu caawiyo. Yaasiin waxa uu siiyey deyn yar oo uu ku bilaabo ganacsiga. Waxa uu bilaabay ganacsigii oo ahaa maqaayad lagu iibiyo cuntada Yemeniyiinta. Bilooyin yar ka dib, ganacsigii wuu burburay. Maxamed waxa uu go’aansadey in uu aado Garowe, caasimadda Puntland. Yaasin ayaa markale deemiyey lacag yar. Waxa uu billaabey ganacsi cusub isagoo shirko la noqday ganacsato Soomaali ah, waxa uuna shaqaaleysiiyey shan iyo toban Yemeniyiin ah. Ganacsigiisa waxa uu noqday halka ay ku kulmaan dadka Yemeniyiinta ah ee ku nool Garowe iyo Puntland guud ahaan.
Raadinta nolol wanaagsan
Sida ay muujinayso sheekada Maxamed, Yemeniyiinta ayaa ah kuwo u adkeysi og dhibaatooyinka nololeed ee Puntland. Waxa ay u shaqeeyaan koox-koox, taasoo siineysa midnimo iyo isku xirnaan, waxa ayna xiriirkooda ku xoojiyaan bulshada Yemeniyiinta ah ee ku noolaa Puntland kahor dagaalka Yemen. Laakiin, inkastoo ay qaxootinimo iyo fursado dhaqaale helayaan, haddana Puntland ma aha bardhamaadka hadafka qaxootiga iyo muhaajiriinta Yemeniyiinta ah. Inta badan dadka la wareystay waxa ay lahaayeen rajo ah in ay u hayaamaan dalal kale oo ay u arkaan in ay leeyihiin fursado dhaqaale oo ka fiican tan Puntland. Dalalkan waxaa kamid ah Itoobiya, Kenya, Khaliijka, iyo xitaa Yurub. Maxamed Saalim, oo noo sheegay taariikh nololeedkiisa kahor inta aanu iman Puntland, waxa uu sharraxay sida uu ‘ugu duulay shimbir oo kale dhowr wadan, laakiin uu markasta dib ugu laabanayay Yemen. Hadda, kuma laaban karo Yemen … ujeedkeygu waa in aan lacag uruursado si aan u gaaro dalal kale kadibna Yurub.’ U-dhawaanteeda iyo safarka oo sahlan iyo xiriirka ka dhexeeya awgood, Puntland waxa ay u muuqataa in ay kumeelgaar u tahay jiilka cusub ee muhaajiriinta Yemeniyiinta ah, oo ku jira safar dheer oo ay ku raadinayaan nolol wanaagsan.