Search
Close this search box.

Rift Valley Institute

Making local knowledge work

Xasilloonida iyo Daahfurnaanta Hannaanka Doorashada dadban ee Soomaaliya

Xasilloonida iyo Daahfurnaanta Hannaanka Doorashada dadban ee Soomaaliya

17-kii Sebteembar, hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay ku heshiiyeen qaab doorasho dadban oo loogu talagalay doorashooyinka soo socda ee dalka. Iyadoo laga ambaqaadayo doodo taxane ah oo Dhuusamareeb ka qabsoomay bilaha Luulyo iyo Ogosto, nooca doorashadan ayuu baarlamaanku ansixiyay waxaana lagu faahfaahiyay heshiisyadii xigay ee 2-dii Oktoobar.

Inkastoo heshiisku muujiyay in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay gaareen is-faham aad loogu baahnaa kuna saabsan qaabeynta doorashada, haddana waxaa jira dulduleello badan iyo mugdi jira oo haddii aan wax laga qaban khatar gelinaya daahfurnaanta iyo in loo dhanyahay geeddi-socodka doorashada. Waxa kale oo jira arrimo siyaasadeed oo muran badan dhaliya oo haddii aan la xallin ay sidoo kale kordhin karaan halista isku dhacyada dhalan kara bilaha soo socda.

Warbixintan kooban waxay bixinaysaa muuqaalka guud ee nooca doorashada lagu heshiiyey, oo ay ku jiraan arrimo siyaasadeed oo la isku haysto, iyo khataraha halista ku ah daah-furnaanta iyo wadajirka geeddisocodka, iyo waliba talooyin ku aaddan sida wax looga qaban karo labadaba. Waxaa loogu talagalay in lagu taageero Soomaalida inay isugu yimaadaan wadahadal ku saabsan geeddi-socodka doorashada, iyadoo ujeedadu tahay kordhinta kamid ahaanshaheeda iyo kalsoonideeda. Arrimaha halkaan lagu qeexay waxaa sida ugu wanaagsan loogu maareyn karaa hadii si joogta ah looga wada hadlo iyadoo la sameynayo wadahadal heer-sare ah, oo ay ku jiraan hoggaanta dowlada federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, hogaamiyeyaasha mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.

This briefing is a joint product of RVI’s Somali Dialogue Platform and the Somali Public Agenda. Read the English version here.

  • Recent Publications

    PROSPERITY TO THE PERIPHERY?

    THE POLITICS OF RESOURCE EXTRACTION IN ETHIOPIA, POST-2018 SUMMARY • With the formation of the Prosperity Party (PP) in 2019, Abiy Ahmed’s government set out

    MORE »