Search
Close this search box.

Rift Valley Institute

Making local knowledge work

Soo nooleynta wada-xaajoodka arrimaha siyaasadda ee la isku hayo

Contentious Issues - Somali Version

Tobankii sano ee la soo dhaafay, horumarro la taaban karo ayaa laga sameeyay xaaladda siyaasadda Soomaaliya, oo ay kamid tahay dhismihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadkii 2012 kadib markii la ansixiyay Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah. Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ayaa la dhisay wixii ka dambeeyay sanadkii 2013 waxaana xigay dib-u-habeyno kala duwan oo muhiim ah oo hay’adaha dowladda lagu sameeyay. Sikastaba ha ahaatee, waxaa jira dhowr cilladood marka la eego xaaladda siyaasadda Soomaaliya oo keenay in ay adkaato in horumar joogto ah la sameeyo. Tusaale ahaan, waxaa jira khilaaf joogto ah oo ka jira federaaleynta Soomaaliya, qaab-dhismeedka ciidamada amniga dalka iyo doorka doorashooyinka dimuqraadiga ah ku leeyihiin tartanka furan ee siyaasadeed eek u dhaca si nabdoon.

Bilowga muddo-xileedka siyaasadeed ee cusub waxa ay fursad cusub u siinaysaa Soomaalida si ay wax uga qabtaan arrimaha la isku hayo ee caqabadda ku ah dhabihii uu dalku u mari lahaa mustaqbal xasiloon oo barwaaqo ah. Tani waxaa lagusii dhisi kartaa shirkii guusha ku dhamaaday ee u dhexeeyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada ee soo dhamaaday 12-kii June, kaasoo dhacay muddo yar kadib markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Heshiis siyaasadeed waxa lagu gaari karaa dib usoo nooleynta wada-xaajoodka, tayeynta hay’adaha si ay wada-xaajood siyaasadeed oo wax-ku-ool ah oo loo dhan yahay u galaan. Warbixintan waxay qeexeysaa dhowr xulasho oo lagu taageerayo ujeedooyinkan, oo ay ku jiraan tixgelinta sida loo qaabeeyn karo wada-xaajood wax-ku-ool ah, iyo sidoo kale qeexitaan mowduucyada muhiimka ah ee diiradda lagu saarayo wadahadalka.

Warbixintan waxa falanqeynta ku qoran lagasoo qaatay doodo taxane ahaa oo ay soo qabanqaabisay Madasha Wadahadallada Soomaaliyeed (Somali Dialogue Platform) lagasoo billaabo bishii Ogosto 2021 oo ay kasoo qeyb galeen dad badan oo Soomaaliyeed. Wadahadalladaas muddada ay socdeen, Madasha Wadahadallada Soomaaliyeed waxa ay fududeysay doodo ballaaran oo ku saabsan arrimaha la isku hayo ee la xiriira jaangoynta siyaasadda Soomaaliya iyo xalalka suurtagalka ah. Doodaha tixanaha ahaa waxaa lagusoo gebagabeeyay kulan ka dhacay Muqdisho kaasoo lagusoo bandhigay qoraalladii la qoray loogana dooday. Warbixintan waxa ay soo koobeysaa arrimihii laga wada hadlay iyo sidii wax looga qaban lahaa inta lagu jiro middo-xileedka siyaasadeed ee dowladda cusub ee federaalka.

  • Recent Publications

    PROSPERITY TO THE PERIPHERY?

    THE POLITICS OF RESOURCE EXTRACTION IN ETHIOPIA, POST-2018 SUMMARY • With the formation of the Prosperity Party (PP) in 2019, Abiy Ahmed’s government set out

    MORE »