Search
Close this search box.

Rift Valley Institute

Making local knowledge work

Sameynta dowladda xigta ee Soomaaliya: Arrimaha ay muhiimka tahay in diiradda la saaro si loo dhiso xukuumad la wada oggolyahay

Sameynta dowladda xigta ee Soomaaliya: Arrimaha ay muhiimka tahay in diiradda la saaro si loo dhiso xukuumad la wada oggolyahay

Codka kalsooni kala noqoshada ee 25-kii Luulyo lagu riday Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya wuxuu horseeday kalsooni darro siyaasadeed oo kasoo cusboonaatay Soomaaliya; dhaqanka siyaasadeed ayaa ah in uu Madaxweynaha soddon maalmood kusoo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha xiga, kaasoo isaguna magacaabi doona gole wasiiro.

Arrinkan ayaa kusoo aadaya xilli muhiim u ah geedi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya. Muddada Madaxweynaha ayaa ku eg 7-da Febraayo 2021, wakhtiga baarlamaankana wuxuu ku eg yahay 27-ka Diseembar 2020. Weli waxaa jira is-qab-qabsi u dhaxeeya jilayaasha siyaasadda oo ku qotoma qaabka doorashada si loo doorto hoggaanka qaranka dhamaadka mudo xilleedka kadib. Waxaa jira halis sii kordheysa oo ah, iyadoon loo eegin qaabka doorashada ee lagu heshiiyay, in hirgelinta doorashada aan lagu dhammeystirin wakhtiga haray. Xil-ka-qaadista Ra’iisul Wasaaraha ayaa sii kordhisay xaaladda cakiran.

Xaaladan siyaasadeed ayaa sidoo kale siineysa daneeyayaasha Soomaaliyeed fursad ay kusoo dhisaan dowlad cusub oo ku saleysan is-afgarad iyadoo loo marayo wadahadal, taasoo lagu xallin karo is-mari-waaga haatan ka taagan doorashada. Haddii dowladda xigta lagusoo dhiso wadatashi baaxad weyn, oo leh soojiidasho baahsan, waxay dhalin kartaa geeddi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo, kaasoo sidoo kale sii horumarin kara ka qeybgalka iyo metelaadda doorashada ee Soomaaliya.

Si loo dhiirrigeliyo wadahadal wax-ku-ool ah oo ku saabsan sameynta dowladda xigta xilligan adag, Madasha Wadahadallada Soomaaliyeed (Somali Dialogue Platform) ayaa soo saartay qormadan kooban, oo soo bandhigeyso toddobo su’aalood oo muhiim ah lana xiriira sameynta iyo ka shaqeynta dowlad ku saleysan is-afgarad. Su’aalahani waxay tusaalooyin kasoo qaadanayaan xaalado kale, halkaasoo geeddi-socod cusub oo dhisme dowladeed ah loo isticmaalay in lagu maareeyo khilaafaadka, iyo xaaladaha qaarkood, in la taageero hirgelinta hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo.

ENGLISH VERSION

  • Recent Publications

    HUMAN CRUELTY TO THE ENVIRONMENT

    INDIGENOUS KNOWLEDGE FOR CLIMATE CHANGE PREDICTION AND ADAPTATION AMONG PASTORALISTS IN DHAGAXBUUR DISTRICT OF THE SOMALI REGION, ETHIOPIA EXECUTIVE SUMMARY This paper explores how indigenous

    MORE »