Search
Close this search box.

Rift Valley Institute

Making local knowledge work

HESHIISKA SIYAASADEED EE HIRSHABEELLE: FURSADAHA LAGU DHALIN KARO HANNAAN SIYAASADEED OO LOO DHANYAHAY

Dulmar: Siyaasadda aan xasilooneyn ee Hirshabelle

Hirshabeelle waxaa ka jiray xasilooni darro siyaasadeed tan iyo markii si deg deg ah loo dhisay bishii Oktoobar 2016, iyadoo la isku daray labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Intii ay hawsha maamul sameynta socotay, beelo deggan Hiiraan ayaa ku dooday in gobolka Hiiraan uu noqdo Dowlad-goboleed gaar ah halkii lagu qasbi lahaa in uu la midoobo gobolka Shabeellada Dhexe. Waxaa sidoo kale khilaaf ka dhashay arrimo la xiriira metelaadda, iyadoo beelaha kasoo jeeda labada gobol ay dalbadeen kuraas badan. Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, ayaa dabayaaqadii sanadkii 2016-kii waxaa ay dowladda federaalka si deg deg ah u dhistay dowlad-goboleedka Hirshabeelle, si ay dowlad-goboleedka cusub ugu suuragasho in uu billaabo doorashadii heer federal ee dadbaneyd.

Habkan degdegga ah ayaa maamulka ka dhigay mid kala qeybsan oo aan shaqeynin. Ma ahan keliya in aanu dowlad-goboleedku awoodin in uu dakhli kasoo xareeyo labada gobol, balse beelo dega gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aanay aqoonsaneyn dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Xiisadda waxaa sii xumeeyay kadib markii bishii Nofeembar 2020 madaxweynaha dowlad-gobolleedka loo doortay Cali Cabdullaahi Xuseen ‘Guudlaawe’ oo kasoo jeeda beesha Abgaal, iyadoo islamarkaana magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ay tahay caasimadda dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Arrintaan ayay beelaha qaar u arkeen inay jabineyso heshiis horay loo gaaray oo ahaa in xilka madaxweynaha loo qoondeeyo beesha Xawaadle oo deegaan ahaan ku badan gobolka Hiiraan.

Xiisadahan siyaasadeed ayaa dhaliyey abaabulka ciidamo hubeysan, gaar ahaan xilliyadii ay jireen xiisadihii doorashada dadban. Dabayaaqadii sanadkii 2020-kii, Abuukar Warsame ‘Xuud’ oo horay u ahaa jeneraal ciidan ayaa duleedka magaalada Beledweyne ku abaabulay maleeshiyo la magac baxday Golaha Samatabixinta Hiiraan, wuxuuna dalbaday dhismaha dowlad-goboleed u gaar ah gobolka Hiiraan. Maleeshiyada ayaa ku dhawaaqday in madaxda Hirshabeelle aan loo oggolaan doonin inay tagaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, taasoo dib u dhigtay caleema saarka Madaxweyne Guudlaawe, oo markii ugu horreysay tagay Beledweyne 26-kii Febraayo 2022 kadib markii ay dowladda federaalka geysay ciidamo magaaladaas.

Xaaladahan ayaa dowlad-goboleedka ka dhigay mid aan shaqeyn, waxayna caqabad ku noqdeen in horumar iyo dowlad wanaag laga sameeyo Hirshabeelle. Xaaladahan waxay ka dhasheen maadaama aanu jirin heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay —taasoo ah, in jilayaasha siyaasaddu aanay heshiis ku ahayn awoodaha muhiimka ah ee dowlad-goboleedka, iyo qaabka awoodahan si nabad ah loogu tartami karo. Inkastoo ay caddahay in jilayaasha siyaasadda Hirshabeelle ay si weyn ugu kala qeybsan yihiin su’aalahan, haddana, haddii lasoo gebagabeeyo ololaha dagaal ee ka socda dowlad-goboleedka, waxaa laga yaabaa in ay abuuraaan fursad lagu aasaaso heshiis siyaasadeed oo xooggan. Faalladan kooban, oo ku saleysan cilmibaaris ballaaran, waxa ay dulmar guud ku sameyneysaa arrimaha la isku hayo waxa ay sidoo kale soo jeedineysaa qaababka suuragalka ah ee lagu gaari karo heshiis siyaasadeed.

Warbixintan waxaa soo saaray Somali Dialogue Platform. Somali Dialogue Platform waa barnaamij Soomaalida ka taageera sidii loo gaari lahaa is-afgarad ku saabsan arrimaha la isku haysto ee siyaasadeed waxaana fuliya Machadka Rift Valley. Somali Dialogue Platform waxaa maalgeliya Foreign, Commonwealth and Development Office (FCDO) ee Boqortooyada Ingiriiska, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Denmark, iyo Hay’adda Mareykanka u Qaa- bilsan Horumarinta Caalamiga (USAID). 

  • Recent Publications

    PROSPERITY TO THE PERIPHERY?

    THE POLITICS OF RESOURCE EXTRACTION IN ETHIOPIA, POST-2018 SUMMARY • With the formation of the Prosperity Party (PP) in 2019, Abiy Ahmed’s government set out

    MORE »