Search
Close this search box.

Rift Valley Institute

Making local knowledge work

Dhaqaalaha ku baxa Doorashooyinka Soomaalilaand

Dhaqaalaha ku baxa Doorashooyinka Soomaalilaand

‘Xogta ku jirta warbixntu waa dhab iyo ‘xaqiiqo’…waxa jira wax badan oo arintan laga baranayo.’ 
SUCAAD IBRAAHIM, PROGRESSIO, SOOMAALILAAND

‘Daraasaddani waa mid gaar ah sababtuna waa su’aasha laga duulayo, waxana taa kasii muhiimsan, waa jiritaanka iyo muhiimadda wixii ka soo baxay. Waxa ay si balaadhan wax uga taraysaa arimaha badankooda lala xidhiidhiyo xaaladda doorashooyinka Soomaalilaand. Waxa loo arki karaa qoraalkani in uu yahay muraayad dadka reer Soomaalilaand iska daawadaan si ay dib ugu jalleecaan oo ay uga fikiraan guulihii ay gaadheen 10kii sanno ee ugu dambeeyay. Waxa aan aaminsanahay in daraasaddani ay wax ku soo kordhin doonto hanaqaadka dimuquraadiyadda iyo nidaamka xisbiyada badanba guud ahaan, iyo doorashooyinka iyo hanaanka doorashadaba gaar ahaan, sanadaha soo socda.’ 
AADAM XAAJI-CALI AXMED,  JAAMACADDA HARGEISA, SOOMAALILAAND
 

Ilaa markii dimuquraadiyadda xisbiyada badan laga bilaabay Soomaalilaand 2002, doorashooyinku waxa ay u qabsoomeen hab wanaagsan oo maamul isku dhiib ah oo nabadgalyo u dhacay. Laakiin su’aalo ayaa ka yimi sida loo maalgaliyay doorashada. Waxa daraasaddu ku doodaysaa in Soomaalilaand dhexdeeda, sida meelaha kalaba yihiin, aan loo fahmin doorashdu tahay kaliya hannaan siyaasadeed, laakiin sidoo kale tahay dhacdo dhaqaalaha saamayn ku leh, oo xisbiyada, musharaxiinta iyo taageerayaashu ay maalgaliyaan iyaga oo aan damaanad u haysan in ay hantidoodii u soo noqonayso. Waxa daraasadda Dhaqaalaha ku baxay Doorashooyinka ee Soomaalilaand lagu ogaanayaa kharashkii ka baxay musharaxiinta iyo ilihii dakhligaasi ka soo galay doorashadii baalamaanka ee 2005 iyo tii golaha degaanka ee 2012. Waxa daraasadda lagu soo gunaanaday in haddii doorashada kaligeed loo arko in ay tahay hawlgal dimuquraadiyeed uun in ay tahay in la iska indha tirayo xaqiiqada bulsho ama dhaqaale ee dalkaka jirta. Jiritaan la’aanta hay’ado kaantaroola kharashka ku baxaya maalgalinta ololahu waxa ay dhaawac u keeni kartaa doorashooyinka mustaqbalka ee Soomaalilaand, waxana laga yaabaa in ay u dhigto kalsoonidda qaranka iyo beesha caalamkuba ku qabaan doorashooyinka.
 

Qoraayada

Aly Verjee waa cilmi-baadhe sare oo ka tirsan Machadka Dooxada Rift. Waxa uu goob-jooge ka noqday in ka badan 20 doorasho, oo ay ku jirto doorashooyinkii 2005, 2010 iyo 2012 kii ka dhacay Soomaalilaand. Aadan Abokor waxa uu isku dubba riday wufuud goob-joogayaal caalami ah oo ka qayb galay dhawr doorasho oo ka dhacay Soomaalilaand, waxana uu ka mid ahaa Guddid la Socodka Doorashooyinka (Electoral Monitoring Board of Somaliland) sanadihii 2003 ilaa 2012. Haaruun Yuusuf waa maareeyaha mashaariicda ee ururka Nagaad, kaas oo ka shaqeeya xuquuqda dumarka, habka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Soomaalilaand. Aamina Warsame waxay ka mid ahayd dumarkii ugu horreeyay ee ka qayb gala tartanka doorashadii 2005, iyada oo u tartamaysay xubin ka tirsan Baarlamaanka Soomaalilaand. Waa guddoomiyihii hore ee Nagaad waxana ay hadda tahay aasaasaha ururka cilmi-baadhista iyo wax-qabadka haweenka (Somaliland Women’s Research and Action Group, SOWRAG). Maxamed Faarax waa cilmi-baadhe sare iyo macallin wax ka dhiga barnaamijka shahaadada koowaad (Undergraduate Tutor) ee Jaamacadda Burco. Maxamed Xirsi waa Agaasimaha Akadamiyada Nabadda iyo Horumarinta (APD) ee ku taalla Hargeysa. 

  • Recent Publications